Arts
Maxamuud Maxamad Xasan kulankan waxa uu kaga hadlayaa aragtiyaha kala duwan ee taariikhda fog ee Soomaalida laga kala qabo, waxa uu niqaashayaa farsamooyinka, dariiqyada iyo aaladaha loo adeegsado darsidda taariikhda duugga ah. Kulankani waxa uu ka mid ahaa kulan aqooneedyadii la socday bandhiggii buugta Baraarug ee Hargaysa ka qabsoomay Jan 2018. Bandhigga #BuugtaBaraarug oo ay fulisay Madasha Baraarug waxa uu daahfur iyo bilaw u ahaa silsilad bandhigyo buugeed oo madashu qorshanayso in ay fuliso. Halkan Ka Daawo: https://www.youtube.com/watch?v=jf5Q4W8dmW4&list=PLAo8C7v1VHrVbTDWvv9TZtnzppEC3Kh0R&index=3&t=0s